Tababare Valverde oo ka hadlay qeylada taageerayaasha kooxda Barcelona ee ka dhanka ah Philippe Coutinho

(Spain) 21 Abriil 2019. Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa wali si weyn ugu kacsan xidiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, waxayna markale ku qeyliyeen kaddib markii uu qaab badal ah ku soo galay kulankii xalay ay Real Sociedad kula ciyaareen garoonka Cump Nou.

Kooxda Barcelona ayaa guul daro 2-1 dhabarka u saarisay Kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa kulamada 33-aad horyaalka Spain ee La Liga.

Hadaba tababare Ernesto Valverde oo ka hadlayay qeylada jamaahiirta ee ku aadan Philippe Coutinho ayaa ciyaarta kaddib wuxuu saxaafada u sheegay:

“Dadka qaar waxay diirada saaraan arrimaha yaryar, sida arinta ku aadan Coutinho iyo taageerayaasha, Coutinho waa ciyaaryahan maalin kasta na caawiya”.

“Ma jirin fal ku aadan Philippe Coutinho ee dhanka Taageerayaasha ah, waa wax wanaagsan, waxaa muhiim ah inaan diirada saarin waxyaabaha yaryar”.

“Kulnkii Manchester United wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican, wuxuuna dhaliyay gool cajiib ah, waa inaan fiirino shaqadiisa iyo goolkiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close