Shaxda rasmiga ah kulanka adag ee horyaalka Premier League galabta kooxaha Everton iyo Man United oo la shaaciyey

(Liverpool) 21 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Everton iyo Manchester United ee horyaalka Premier League.

Macallin Ole kooxdiisa Man United ayaa booqanaysa Everton galabta, waxaana tababaraha reer Norway uu safkiisa hore kulankii Champions League ee ugu dambeeyey uu ku sameeyey saddex isbedel isagoo ku soo bilaabay Diogo Dalot, Nemanja Matic iyo Romelu Lukaku.

Dhinaca kale Everton waxaa safkeeda hore hoggaaminaya Richarlison iyo Calvert-Lewin.

Kulanka ka dhacaya garoonka Goodison Park kooxda Everton ayaa labo isbedel ku sameysay shaxdeed kulankii ugu dambeeyey waxaana soo laabtay Michael Keane, halka uu safka hore ku soo bilowday Schneiderlin.

Safafka labada kooxood oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Safka hore ee Everton: Pickford; Coleman, Keane, Zouma, Digne; Schneiderlin, Gueye; Sigurdsson, Bernard, Richarlison; Calvert-Lewin.

Safka hore ee Man United: De Gea; Dalot, Smalling, Lindelof, Jones; Matic, Fred, Pogba; Martial, Rashford, Lukaku.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close