Miyuu Mike Phelan doonayaa inuu ka tago kooxda Manchester United?

(Manchester) 21 Abriil 2019. Sida wararku ay sheegayaan Mike Phelan ayaan doonayn inuu isaga dhaqaaqo kooxda Manchester United oo uu haatan ka tirsan tahay howl-wadeennadeeda.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Mike Phelan uu doonayo inuu noqdo agaasimaha dhanka ciyaaraha ee kooxda Manchester United.

56-sano jirkaan ayaa ka caawinayey shaqada garoonka Old Traffrod macallin Ole Gunnar Solskjaer bilihii dhowaa, laakiin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo kooxda ma uusan saxiixin xilli ciyaareedkan.

Waxa uu yahay haatan agaasimaha isboortiga ee kooxda ka dheesha horyaalka Australian A-League ee Mariners Central Coast waxaana la filayaa inuu ku laabto kooxdaas, laakiin waxaa laga yaabaa inuu joogi doono kooxda Manchester United haddii loo soo bandhigo doorkaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close