Kooxda Real Madrid oo guul muhiimi aheyd ka gaartay dhigooda Athletic Bilbao +Sawiro

( Spain) 21-Abriil 2019 kooxda Los Blancos ayaa 3-0 kaga adkaatay Kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsanaa horyaalka Dalka Spain ee La Liga.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Real Madrid iyo Athletic Bilbao ayaa ku hishiiyey bar-baro gool la’an ah wallow ciyaartoyda labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan.

Ciyaartoyda labada koox waxaa soo maray jaanisyo gool loo filan karay balse midne kama uusan faa’ideysan fursadahaas in ay gool u badalaan.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala nastay bar-baro gool la’an ah, muddo kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Markii dib la isagu soo laabtay Kooxda Real Madrid ayaa durba heshay goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibka reer Farance ee Benzema kaddib caawin uu ka helay Asensio daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta.

Athletic Bilbao ayaa marar badan gaartay shabaqa kooxda Los Blancos lkn waxa ay ku hungoobeen in ay helaan goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Madriid ayaa mar kale heshay gool kale oo labaad waxaana mar labaad shabaqa gaaray Benzema oo dhaliyey kubad madax aheyd daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta.

Bale oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa caawiye ka noqday gool yimid daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta waxaana goolkii sedexaad ee Madriid dhaliyey Benzema oo caawa dhaliyey goolasha loo yaqaan sedex ley.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo dhamaaday 3-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda Real Madrid oo ku ciyaareysay garoonkeeda.

    

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close