Valverde oo si RASMI ah u magacaabay liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka caawa kooxda Real Sociedad

(Spain) 20 Abriil 2019.Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xidigaha Blaugrana ee kaga qeyb galaya kulanka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Real Sociedad, kaasoo ka tirsan kulamada 33-aad ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay tababaraha reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa waxaa kaga maqan go’aan farsamo ee dhanka macalinka ah, xidigo ay ka mid yihiin  Prince Boateng, Murillo, Vermaelen iyo Jean-Clair Todibo.

Balse taasi badalkeeda waxaa liiskan qeyb ka ah, Samuel Umtiti, inkastoo ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka maqnaa tababarka guud ee kooxda khamiistii sababo la xiriira dhaawac uu qabay.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Ernesto Valverde ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Real Sociedad ayaa kala ah:

Ter Stegen, Cillesen, Semedo, Pique, Lenglet, Umtiti, Alba, Rakitić, Busquets, Coutinho, Arthur Melo, Suarez, Messi, Malcom, Sergi Roberto, Ousmane Dembélé, Vidal, iyo Aleñá.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close