RASMI: Liiska musharixiinta abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League oo la shaaciyay & Moxamed Saalax oo laga reebay

(England) 20 Abriil 2019.Xiriirka kubadda cagta ee dalka England (FA-ga) ayaa shaaciyay liiska ugu dambeeya ee musharixiinta abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Ka hor 4 kulan dhamaadka horyaalka Premier League, ayaa ugu dambeyntii waxaa shaaca laga qaaday liiska ciyaartoyda ugu fiican ee loo sharraxay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican.

Waxaa sanadkii hore ku guuleystay abaal marinta xidigii ugu fiicanaa horyaalka Premier League, xidiga kooxda Liverpool ee Maxamed Saalah, kaasoo aan nasiib u yeelan xili ciyaareedkan inuu kasoo muuqdo liiskan.

Dhinaca kale waxaa si la mid ah lagu dhawaaqay liiska musharaxiinta da’yarka ugu wanaagsan ee xili ciyaaraadkan,

Hadaba xidigaha qeybta ka ah liiska ugu dambeeya ee musharixiinta abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan ayaa kala ah.

1-Sergio Aguero

2- Virgil Van Dijk

3- Eden Hazard

4-Sadio Mané

5-Bernardo Silva

6- Raheem Sterling.

Sidoo kale liiska musharixiinta da’yarka sanadka ee Premier league ugu fiican

1-Trent Alexander-Arnold

2-David Brooks

3-Marcus Rashford

4-Declan Rice

5 Bernardo Silva

6- Raheem Sterling.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close