Miyuu Mauro Icardi doonayaa inuu sii joogo kooxda Inter Milan? – Xaaskiisa ayaa ka jawaabaysa

(Milano) 20 Abriil 2019. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahan Mauro Icardi ayaa la soo sheegayaa inuu qorsheynayo inuu sii joogo kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga sida ay ku warramayso xaaskiisa.

Wanda Nara oo ah xaaska ahna wakiilka Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer Argentina uusan qorsheynaynin inuu kooxda ka tago suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

“Mauro wuxuu sii wadaa inuu gool dhaliyo, horay ayuu sii socdaa sababtoo ah wuxuu yahay awoodda qoyska,” ayuu tiri Nara.

“Haatan waa uu deggan yahay, waa uu aqbalaa qof walba, sababtoo ah wuxuu mar walba xiriir fiican la lahaa qof walba, waxaana uu halkaan {Inter} sii joogi doonaa markale sanadka soo socda” ayey hadalkeeda raacisay xaaska Icardi.

Icardi ayaa kooxda Inter Milan kaga soo biiray Sampdoria sanadkii 2013-kii, waxaana xilli ciyaareedkii hore ee 2017-18 uu dhaliyey 29 gool 34 kulan oo uu ka soo muuqday horyaalka Serie A.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close