HORDHAC : Man City VS Tottenham? Kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestiran

(England) 20 Abriil 2019 Kooxda Manchester City oo wali ay maskaxdooda  ka guuxeyso niyad jabkii ay kaga hareen tartanka Champions league ayaa misane mar kale garoonkooda waxa ay ku marti qaadayaan Kooxd Tottenham kulan katirsan horyaalka Premier league.

City waxa uu kulankan kaga dhiganyahay mid ay ku dooneyso in ay kaga aar gudato Kooda Tottenham oo biday ciilkii iyo caradii Champions league waxaan kale oo aan meesha ka marneen hardanka horyaalka waxaana qasab ku ah in Sedexda dhibcood ay helaan.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hod kulanka :

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Fernandinho ayaa taam buuxa u ah inuu kusoo bilowdo kulankan madaama uu bedel ku soo galay kulankii Spurs ee bartamihii Isbuuca ka dib markii uu kasoo laabtay dhaawac muruqa ah.

Oleksandr Zinchenko, oo dhaawac uu ka soo gaaray muruqa ayaa la qiimeyn doonaa xaaladiisa caafimaad ka hor kulanka.

Tottenham ayaa waayi doonta adeega  xidiga reer Farance ee  Moussa Sissoko, kaasoo badal loogu saaray ciyaartii Arbacadii kaddib dhibaato ka soo gaartay gumaarka .

Eric Dier ayaa ku soo laabatay tababarka shalay oo jimco aheyd ka dib dhaawac uu ka qabay  sinta , waxaana laga yaabaa inuu lug lahaado kulankan.

Serge Aurier, Harry Winks iyo Harry Kane ayaa dhamaantood la heli doonin iyaga oona qaba dhaawacyo kala duwan.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Man City VS Tottenham? ( Premier League )

Goobta : Etihad Stadium

Goorta : 2 : 30  oo Duhurnimo / xiliga qadada.

Garsoorka: Michael Oliver

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta:

Manchester City ayaa badisay sedexdii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka oo ay la ciyaartay Kooxda Tottenham waxa ayna kulankan doonayaan in mar kale ay bar bareeyaan rikoorkoodii afarta guul ee xiriirka ahaa oo ay kol hore ka gaareen Kooxda Spurs.

Tottenham ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 9kii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Etihad Stadium tartamada oo dhan, waxaana laga dhaliyay 27 gool. Guushoodii ugu dambeeyey ee ay garoonkan ku gaaraan kulan ka tirsan Premier league waxa ay aheyd February 2016.

Kooxda Tottenham ayaa ah Naadiga labaad ee heysata  rikoorka labaad ee ugu liita horyaalka ee xilli ciyaareedkan marka ay is wajahayaan labo koox oo ka mid ah kooxaha lixda ee ugu sareeya horyaalka, 7-dhibcood ayeyna ka heleen kulamadaas  (2-guul, 1-bareejo, 6-qasaaro). Manchester United ayaa ka hooseysa oo lix dhibcood ka heshay kulamadaas.

Sergio Aguero ayaa lix kulan oo horyaalka ah wax gool ah ka dhalin kooxda Tottenham balse Waxa uu dhaliyay 10 gool todobadii kulan ee ugu horeysay ee uu ka horyimid.

Tottenham ayaa dooneysa inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee labada Manchester ku garaaca garoomadooda xal xili ciyareed tan iyo Liverpool 2008-09.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close