HORDHAC : Barcelona vs Real Sociedad? Xidigaha maqan, xogta kulanka iyo safafka macquulk ah ka hor kulanka

( Spain) 20 Abriil 2019 Kooxda Barcelona ayaa qalcadeeda balaaran ku soo dhaweeneysa Kooxda Real Sociedad kulan ka tirsana horyaalka Dalka Spain ee La Liga.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Daafaca reer Farance ee Samuel Umtiti ayaa seegay tababarka isbuucaan, waxa ayna taas la micno tahay in  Clement Lenglet iyo Gerard Pique ay ku soo bilaawanayaan daafaca dhexe.

Nelson Semedo ayaa la filayaa inuu ka ciyaaro dambeedka daafaca midig madaama uusan  ciyaarun kulankii Champions League ee bartamihii Isbuuca.

Ousmane Dembele ayaa loo adeegsan doonaa  garabka bidix, iyadoo macalin Ernesto Valverde uu doonayo in uu ku soo bilowdo saf adag si uu ugu dhawaado hanashada horyaalka .

Dhinaca kale kooxda Real Sociedad xidigooda Willian Jose ayaa ku soo laaban doona line-upka ka dib markii uu ganaax ku maqnaa hal kulan oo horyaalka ah.

Juanmi ayaa la filayaa inuu difaacdo booskiisa weerarka ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulan ciyaareedkii ay la qaateen Kooxda Eibar.

Theo Hernandez ayaa laga doorbidi doonaa Aihen Munoz ku soo bilaabashada dambeedka dhanka bidix, halka Igor Zubeldia uu taam buuxa u noqon doono kulanka ka dib dhaawa. Uu ka soo kabsaday.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Barcelona vs Real Sociedad (La Liga)

Goorta : 9:45 oo Habeenimo

Goobta : Camp Nou

Garsoorka : Pablo Gonzales Fuertes

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Barcelona ayaa badisay 18kii kulan ee ugu dambeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Real Sociedad tartamada oo dhan.

Kooxda Barcelona ayaan laga badinin 20kii kulan ee ugu danbeeyey  ee horyaalka dalka Spain ee La Liga.

Kooxda lagu naaneeso Blaugrana ayaa bareejo ku dhameesaneysay qeybtii hore  ee ciyaarta balse badinayey qeebtii dambe ee kulanka   seddexdii kulan ee ugu danbeyey ee gurigooda ay ku ciyaareen.

Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 11 kulan oo ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda ku ciyaaraan.

Naadiga Real Sociedad ayaa ku guuldareysatay inay badiso 6dii kulan ee ugu danbeeyey ee ay marti ahaayeen kulamada horyaalka La Liga.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close