Bayern Munich oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddig sare oo ka tirsan Kooxda Tottenham

(London) 20 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa la soo sheegayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddig sare oo ka tirsan naadiga Tottenham.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Bayern Munich ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa laacibka khadka dhexe ee Tottenham, Christian Eriksen, inkastoo ay wajahayaan dagaal adag oo ku aaddan saxiixiisa.

Waxa ay Daily Star warbixinteeda intaa ku dartay in xiddigan khadka dhexe uu ka ciyaari lahaa dalka Spain oo laga doonayo, halka sidoo kale mustaqbalka Paul Pogba ee Manchester United oo aan fadhin la la xiriirinayo inay tallaabo u qaadaan soo qaadashada laacibkan.

Kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Real Madrid, Barcelona iyo Man United ayaa diirradda ku haya Christian Eriksen, laakiin kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa haatan ku soo biirtay tartanka loogu jiro waxaana ay doonaysaa inay ka dul qaaddo saxiixiisa kooxaha doonaya oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close