Leroy Sane oo ka mid ah tiro ciyaaryahanno ah oo weydiistay kooxda Manchester City inay ka tagaan

(Manchester) 19 Abriil 2019. Leroy Sane ayaa la soo warinayaa inuu ka mid yahay tiro ciyaaryahanno ah oo kooxda Manchester City waydiistay inay ka tagaan.

Sane iyo Jesus ayaa ka mid ah tirada ciyaaryahannada kooxda Manchester City ka dalabday inay tagaan oo la iska fasaxo sida warbixinta lagu sheegay.

Sida uu warinayo El Chiringuito TV tiro ka mid ah xiddigaha kooxda Mancheter City oo ay ku jiraan Gabriel Jesus iyo Leroy Sane ayaa weydiistay kooxda inay ka tagaan.

Todobo ama siddeed ciyaaryahan oo ka tirsan Manchester City ayaa waydiistay kooxda inay ka tagaan xagaagan kaddib markii ay naadiga ka dhisan garoonka Etihad ay tartanka Champions League ka reebtay Tottenham.

Manchester City ayaa weli ah kooxda ugu cad-cad inay markale sare u qaado horyaalka Premier League inkastoo ay tartan adag kala kulmayaan Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close