Kooxda Real Madrid oo horumar ka sameysay saxiixa Luka Jovic… (Maxaa soo kordhay?)

(Madrid) 19 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay horumar ka sameysay wadahadallada ay kula soo wareegeyso Jovic.

Luka Jovic ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Real Madrid sida warbixinta lagu sheegay inkastoo laacibkan ay kooxdiisu dhowaan heshiis joogto ah kula wareegtay.

Real Madrid ayaa haatan ugu cad-cad inay la soo saxiixato Weeraryahanka Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic waxaana ay horumar ka sameysay wadahadallada ay kula soo wareegeyso xiddigan suuqa xagaaga.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in xiddigan reer Serbia ay kooxdiisa Bundesliga heshiis joogto kaga soo qaadatay Benfica todobaadkan, laakiin waxa ay eegayaan inay sii gadaan isaga si ay u helaan lago badan oo faa’iido ah.

Kooxda Frankfurt ayaa ku doonaysa Jovic lacag lagu qiyaasay 60 milyan oo euro oo u dhiganta 52 milyan oo gini ama 67 milyan oo dollar.

Luka Jovic ayaa dhaliyey 25 gool tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close