Kooxda Arsenal oo indhaha ku haysa inay la soo saxiixato Kerem Demirbay si uu u noqdo bedelka…

(London) 19 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay la soo saxiixato Kerem Demirbay.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in Weeraryahanka kooxda Hoffenheim ee Kerem Demirbay uu ka mid noqday xiddigaha sare ee ay xiisaynayso naadiga Arsenal.

Gunners ayaa doonaysa inay 25-sano jirkaan uu bedel u noqdo booska uu banneeyey Aaron Ramsey, kaasoo xagaagan dhammaystiraya heshiiska uu ugu dhaqaaqayo kooxda Juventus.

Demirbay ayaa lagu qiimeeyaa adduun dhan 22 milyan oo gini oo dhiganta 29 milyan oo dollar, macallinka Arsenal ee Unai Emery ayaana la soo sheegayaa inuu aad u doonayso saxiixa xiddigan marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close