Edin Dzeko oo hubaashii diyaar u ah inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ka dhisan garoonka San Siro

(Rome) 19 Abriil 2019. Weeraryahanka kooxda AS Roma ee Edin Dzeko ayaa la soo warinayaa inuu hubaal diyaar u yahay inuu ku biiro mid ka mid ah labada Milan.

Warsidaha Calcio Mercato ayaa warinaya in dhaliyaha kooxda AS Roma ee Edin Dzeko uu diyaar u yahay inuu suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga ku biiro naadiga Inter Milan.

Nerazzurri ayaa doonaysa inay xiddigan reer Bosnia ay ku soo qaadato heshiis gaaraya 4.5 milyan oo euro sanadkii, waxaana uu jecel yahay Dzeko inuu baaqi ku sii ahaado horyaalka Serie A.

Dzeko ayaa dhaliyey siddeed gool, waxaana uu dhiibay saddex gool oo kale 27 kulan oo uu horyaalka Serie A u ciyaaray kooxdiisa Roma xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close