SHAXDA ISBUUCA EE UCL: 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa isbuucan Champions League oo la shaaciyey

(Yurub) 18 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey shaxda kooxda isbuuca ee Champions League ama 11-ka ciyaaryahan ee ugu bandhigga wanaagsanaa Koobka horyaallada Yurub todobaadkan kaddib markii xalay iyo habeen hore la ciyaaray lugta labaad ee siddeed dhammaadka koobka horyaallada Yurub.

Afarta kooxood ee Liverpool, Barcelona, Tottenham iyo Ajax ayaa iska xaadiriyey wareegga Semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkan.

Xiriirka qaaradda Yurub ee UEFA ayaa shaxda 11-ka laacib ee ugu fiicnaa todobaadkan tartankan Champions League.

Shaxda isbuuca ee Champions League waxaa kala qeybsaday kooxaha Barcelona, Liverpool, Tottenham iyo Manchester City.

Kooxda xiddigaha ugu badan ku yeelatay shaxdan waa Liverpool oo ku leh afar laacib, waxaana xiga Barcelona iyo Man City oo min saddex ciyaaryahan ku yeeshay, ciyaaryahanka soo harayna waxaa qaadatay kooxda Tottenham.

EEG SHAXDA ISBUUCA EE CHAMPIONS LEAGUE:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close