“Real Madrid waxay 500 milyan oo euros ku bixin doontaa suuqa xagaaga ee soo aadan si ay u sameyso…..”

(Spain) 18 Abriil 2019. Macalinka halyeeyga ah ee reer Talyaani isla markaana leyliya kooxda ka ciyaarta horyaalka  Chinese Super League Jiangsu Suning ee Fabio Capello, in Real Madrid ay ku bixin doonto 500 milyan oo euros suuqa xagaaga ee soo aadan.

Capello oo horey u soo leeliyay kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale sheegay inuu ka war qabo in Los Blancos ay sameyn doonto saxiixyada 4 ciyaaryahan waaweyn si ay u dhisto kooxda awood badan.

Capello: "I was told Real Madrid have €500 million to spend"

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu dhawaan bixiyay Fabio Capello waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan ku sugnaa magaalada Barcelona isbuucan, shaqsi si aad ah ula socda arimaha kooxda Real Madrid ayaa ii sheegay in Los Blancos ay ku bixin doonto 500 milyan oo euros si ay u sameyso saxiixyada ay ka dooneyso suuqa xagaaga ee soo aadan”.

“Real Madrid waxay u baahan tahay inay shaqaaleysiiso 4 ama 5 ciyaartoy kaddib marka uu furmo suuqa xagaaga, balse shaqsiga kaliya ee sidaas sameyn kara ayaa ah macalinka reer France ee Zinedine Zidane”.

Si kastaba Fabio Capello ayaa sheegay in uu la yaabay soo laabashada Zidane oo ku soo laabtay Real Madrid, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu ka xoog badnaan doono bilawgiisii hore shaqada tababarnimo ee Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close