Imise gool ayuu Lionel Messi ka dhaliyey kooxaha Ingiriiska, horayse gool ma uga dhaliyey kooxda Liverpool oo ay isku beegmeen?

(Yurub) 18 Abriil 2019. Waxaa soo dhammaystirmay afarta kooxood ee u soo baxday afar dhammaadka Champions League habeenkii xalay, waxaana ay kala yihiin, Ajax, Barcelona, Tottenham iyo Liverpool.

Tottenham ayaa ku aaday oo la ciyaaraysa Ajax, halka Barcelona ay madaxa gelinayso naadiga reer England ee Liverpool.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa inta gool ee uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ka dhaliyey kooxaha Ingiriiska iyo haddii ay kooxda Liverpool ka mid tahay kuwa dhibaneyaasha u noqday Leo.

Xiddiga xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa 24 gool ka dhaliyey kooxaha ka socda Ingiriiska 32 kulan oo uu ka hor tagay, waana ciyaaryahanka ugu badan taariikhda ee sidaa sameeyey.

>- Arsenal waxa uu Messi ka hortagay 6 kulan waxaana uu ka dhaliyey 9 gool, isagoo ku dhiibay 1 gool oo kale ama ku caawiyey.

>- Man City waxa uu wajahay Messi 6 kulan waxaana uu ka dhaliyey 6 gool, isagoo ku caawiyey 2 gool oo kale.

>- Chelsea 10 kulan ayuu Messi wajahay waxaana uu ka dhaliyey 3 gool oo qura, waxaana uu ku dhiibay 2 gool oo kale.

>- Man United waxa uu Messi ka hortagay 6 kulan waxaana uu ka dhaliyey 4 gool, isagoo aan ku dhiibin wax gool ah.

>- Tottenham ayuu Leo ka hortagay labo jeer, waxaana uu ka dhaliyey 2 gool, isagoo aan wax gool ah ku caawin ama ku dhiibin.

>- Liverpool ayaan dhibane u noqon Lionel Messi oo ay haatan ballansan yihiin, waxaana kabtanka Barcelona 2 jeer oo uu ka hortagay Reds uu ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo kuna dhiibo.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Barcelona ayaa isku qaban doona afar dhammaadka Champions League bilowga bisha soo aaddan ee May.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close