Sadio Mane oo ka dhawaajiyay war aad uga farxiyay taageerayaasha Liverpool

(England) 17 Abriil 2019. Dhaliyaha reer Senegal ayaa ka dhawaajiyay war aad uga farxiyay taageerayaasha kooxdiisa Liverpool ka hor kulanka caawa ee FC Porto.

Mane ayaa si wayn lala xiriirinayay kooxda Real Madrid oo waxaa aad ula dhacsan isla markaana is gaad gaad ku haya tababare Zidane.

Yeelkeede, Laacibka ayaa iminka ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu waqti dheer sii joogo Anfield iyo waliba horyaalka Premier League si uu uga mid noqdo Halyeeyada ka caanka ah dalka England.

“Dabcan waxaan doonayaa inaan noqdo Halyey ma haan Liverpool oo kaliya balse sidoo kale taariikhda Premier League taasina waa mid ka mid ah hadafkeyga.”. Mane ayaa sidaa yirii.

Sadio Mane has scored a host of important goals in recent months

“Wax badan ayay iiga dhigan tahay inaan gaaro 100-kulan, kulamadaasi badan inaan u ciyaaro koox sida Liverpool oo kale ah waa wax aan innaba caadi ahayn.

“Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo suuro gal ah si aan ugu guuleysto wax kasta oo suuro gal ah.

“Sida aan had iyo jeer iraahdo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxdan maalin kastana waan ku raaxeystaa inaan halkan joogo waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wax kasta si aan wax kula guuleysto kooxdan.”.

Mane ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u wacan oo wuxuu dhaliyay 10-gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close