HORDHAC : Man City VS Tottenham? Maxaa laga filan karaa kooxda Man City kulanka caawa?

( Yurub) 17 Abriil 2019 Kooxda Man City ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadeysa Koooxda Tottenham kulanka lugta labaad ee wareega sideed dhamaadk tartanka Champions League.

Tottenham ayaa guul 1-0 ku soo gaartay garoonkeed lugtii hore, kooxda Man City ayaa markan dooneysa in ay ka cad goosto dhigooda Spurs.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Sergio Aguero oo laga saaray qeebtii dambe ee ciyaarta Crystal plaace ayaa diyaar buuxa u ah kulankan , lakiin dambeedk daafaca bidix  Oleksandr Zinchenko oo dhaawa muruq ka soo kabsaday ayaa shaki laga gilinayaa kulanka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Fernandinho ayaa qaatay  tababarka isu diyaarinta kulankan ka dib markii uu seegay kulankii Axadii ee ay guusha ka gaareen Crystal Palace .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Dele Alli ayaa loo magacaabay kooxda Tottenham ee lugta labaad ee wareega quarter-finalka Champions League, laakiin waa la qiimeyn doonaa ka hor inta aysan Spurs go’aan ka gaarin haddii uu  ciyaari karo kulankan.

Serge Aurier, Eric Dier iyo Harry Winks ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan, waxaan meesha ka marneen sidoo kale weeraryahankooda Harry Kane oo seegaya kulanka ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga lugta hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka : Man City VS Tottenham? (Champions League)

Goobt : Ethihad Stadium

Goorta :10:00 oo Habeenimo

Garsoorka :Cuneyt Cakir (Turkey)

Xaqiiqooyinka  laga diwaan giliyey kulanka ka hor ciyaarta :

Tottenham ayaa kaliya badisay mid ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay booqatay garoonka Kooxda Man City dhamaan tartamada (1-bareejo iyo 6-qasaaro) kulanka  qura ee guush ayaa yimid ciyaar 2-1 ku dhamaatay oo ka tirsaneed Premier League waxa uuna dhacay kulankaas February 2016.

kulankii lugtii koowaad ee kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester City ayaa garoonka lagu ar kayey 8-xidig oo kala duwan oo u dhashay xulka England, markii ugu dambeeyey ee tiro intan la eg oo ciyaartoy Ingiriis ah ay ka soo muuqdaan kulan waxa uu ahaa finalkii 2008 oo ay fooda is dareen Kooxaha  Manchester United & Chelsea waxaa markaas garoonka ku jiray 10-xidig oo xulka Sedexda Libaax ka soo jeeda.

Tartamada Yurub, Manchester City ayaa laga badiyay shan kulan oo ka mid ah kulamadoodii hore oo ay ka horyimaadeen kooxo Ingariis ah, waxaa xusid mudan in dhamaan kulamadaas ay yihiin  Champions League.

Kooxda Tottenham ayaa badisay dhamaan seddexdii kulan ee ugu dambeyey tartanka Champions League, balse marnaba kuma guuleysan in afar jeer oo isku xigta tartankan ay badiyaan.

Manchester City ayaa badisay 23 ka mid ah 25 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (2-qasaro ayaa ku soo gaaray garoonkooda), inkastoo laga badiyey labo ka mid ah sedexii kulan ee ugu dambeeyey ee Champions league oo ay  ku ciyaaraan garoonkooda kukamada kala baxa.

Safafka macquulka ah ed labada dhinac ay la soo shir tagi karaan :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close