Ciyaaryahankii hore kooxda Chelsea Joe Cole oo ka hadlay mustaqbalka cakiran ee Eden Hazard

(England) 17 Abriil 2019. Ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea Joe Cole ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu laacibka reer Belgian ee Eden Hazard uu kaga tagi karo garoonka Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Joe Cole ayaa sheegay inay adag tahay in Eden Hazard uu ku sugnaado Chelsea, lakiin wuxuu dhinaca kale sheegay inuu rajeynayo inuu sii wado u ciyaarista kooxda Blues.

Xidigii hore xulka qaranka England ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “Sky Sports” wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Eden Hazard wuxuuna yiri:

“Aad ayay u adag tahay joogitaanka Hazard, mana filayo in Chelsea ay ahaan doonto la’aantiis, mana doonayo inaan qiyaaso inay halis ku tahay Blues bixitaankiisa”.

“Waxaan qabaa in si weyn looga jecelyahay kooxda, isagana wuxuu jecel yahay kooxda, laakiin sidoo kale wuxuu jecelyahay Real Madrid iyo Zidane”.

“Way adag tahay in lagu sii haayo kooxda Chelsea, laakiin waxaan rajeenayaa inuu sii joogo,hadii aan u hadlo sida daacada ah, waxaan qabaa inuu sii joogi doono Chelse”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close