“Waa kulan cajiib ah!” – Zidane oo ka hadlay dareenkiisa kadib barbarihii ay xalay la galeen kooxda Leganes

(Spain) 16 Abriil 2019. Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay kulankii xalay ee horyaalka La Liga ay barbaraha la galeen Leganes.

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro 1-1 ah la dhaafi weyday Kooxda Leganes kulan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga.

Zidane oo ciyaarta kadib la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib barbaraha ay la galeen kooxda Leganes.

“Wuxuu ahaa kulan cajiib ah, qeybta hore ma aysan fiicneyn, balse qeybta labaad aad ayay u fiicneyd”.

“Waxaan galnay barbaro, waxaan la ciyaarnay koox aan goolal badan looga dhalinin garoonkooda, dabcan kuma faraxsani natiijada ay ku dhamaatay ciyaartan, sababtoo ah waxay ahayd in si fiican aan u ciyaarno, laakiin ugu dambeyntii waxaan galnay barbaro”.

“Dabcan, qeybtii hore ee ciyaarta waxaan ku dhawaanay in nalaga badiyo, balse qeybta labaad waxaan dhalinay goolka barbaraha”.

“Qeybta labaad aad ayay uga duwanayd marka loo fiiriyo qeybta hore ee ciyaarta, waxaan u ciyaarnay si ka fiican sidii hore, balse si walba oo ay ahaato waxay ahayd inaan si fiican u ciyaarno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close