Kompany oo ka jawaab celiyay wararka xanta ah ee lala xiriirinayo inuu ka tagayo Manchester City

(England) 16 Abriil 2019. Kabtanka kooxda Manchester City ee Vincent Kompany ayaa xaqiijiyay in Sky Blues uu ku sii sugnaan doono ilaa iyo xilli ciyaareedka soo socda, si uu ugu hadlo wararka xanta ah ee la xiriira suuqa xagaaga ee soo socda.

Wargeysyada England kasoo baxa ayaa waxay sheegeen in Vincent Kompany uu ka tagayo kooxda Manchester City kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa kooxda xagaaga soo aadan.

Laakiin Kompany ayaa u muuqda inuu kalsooni ku qabo inuu sii wadi doono qandaraaskiisa Manchester City, kadib mudo dhan 10 sano uu soo difaacay maaliyada Sky Blues.

“Waxaan u ciyaari doonaa Manchester City xili ciyaareedka soo socda, dhamaan wararka xanta ah ma ahan kuwo run ah”.

“Waxaan hada ka tirsanahay qoyska Manchester City, sidaas darteed waxaan dooneynaa in xaalad kasta aan wax ugu qabano qoys ahaan”.

“Waxaa laga yaabaa inaan noqono isku go’aan ama aan kala duwanaano, laakiin tani ma bedeli doonto xiriirkeyga dhow ee aan la leeyahay maamulka Manchester City”.

“Waxa kaliya ee aan haatan xiiseenayo ayaa ah inaan u ciyaaro kooxda, isla markaana aan isku dayo inaan kula guuleysto koobab”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close