“Iyaga iyo Innaguba waan u qalannaa ku guuleysiga Premier League.”.

(England) 16 Abriil 2019. Liverpool iyo Manchester City ayaa ku jira dagaalankii ugu xooganaa sidii ay ugu guuleysan lahaayeen horyaalka Premier League.

Kooxda Klopp ayaa 2-dhibcood ku heysa hogaanka inkastoo kulan baaqi u yahay wiilasha Guardiola.

Macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in Kooxdiisa iyo Liverpool ay u qalmaan ku guuleysiga Premier League ee kal ciyaareedkan balse ay midkood uun qaadi doono koobka.

City ayaa sanadkii tagay horyaalka ku qaaday dhibcihii ugu badnaa 100 dhibcood balse sanadkaan waxaa laf dhuun gashay ku ah Reds oo koobkan ugu dambeysay 1990-kii.

“Haddi aan adkaan wayno kulamada usbuucan waxaan lumin doonnaa labada kooba (Premier League iyo Champions League).” Pep Guardiola ayaa sidaa yiri.

“Xilli ciyaareedkan waxaa tartan aan innaba caadi ahayn nagu heysa Liverpool, badanaa 84 ama 85-dhibcood way ku filneyd inaad ku guuleysato horyaalka laakiin hadda kuguma filna, labadeena waan u qalannaa Premier League laakiin mid keen uun ayaa qaadi kara.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close