Garsoorka kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay isticmaalka Aaladda GPS-ka..+ Sawirro

(Muqdisho)16 Abriil 2019. Garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed  oo uu todobaadkan tababar aqoon kororsi uga socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta garoonka Banaadir looga qaaday tijaabooyinka orodka qaybahiisa kale duwan  iyagoo  adeegsanaya  aaladda lagu ogaado heerka tababarka  iyo fayoqabka garsoorka (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance)  (GPS)

Aaladdan oo sanadkan laga dhaqan geliyay  wadammada qaaradda Afrika ayaa loogu talo galay  cayaartoyda  iyo garsoorka  si loo agaado qaybaha  ay ku wanaagsan yihiin  iyo qaybaha ay ku liitaan mudada tababarka uu socdo, waxaana maanta isticmaalay garsoorayaasha heerarka kale duwan ee tababarkan loo soo xulay.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka  Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xasan Aadan Xaaji Yabaraow (Wiish)  ayaa  warbaahinta u sheegay in  talaabo kale oo muhiim ah uu garsoorka Soomaaliyeed u qaaday dhanka Horumarka.

“Waxaan haysanaa garsoor lagu aamino kulammada heer qaran iyo heer koox ee ka dhaca qaaradda Afrika ammaana ku mutaysta, sidaa  awgeed  ka guddi ahaan inagoo kaashanayna madaxda xiriirka waxaa innaga  go’an inaan  garsoorkeennna ka horumarino dhanka aqoonta, kana hagab tirno agabka muhiimka u ah si ay ula jaanqaadaan dhiggooda qaaradda” ayuu Guddoomiye Wiish sii raaciyay hadalkiisa.

Tababarka garsoorka oo ay sidoo kale  wax ka bixinayaan Macallin  Maxamed Cabdulle Fare Yare oo ah macallin darajada heerka koowaad ee macallinimo ee CAF haysta  iyo Madaxa Fayo-qabka Xiriirka Kubadda Cagta  Cabdi Cabdulle Baasaale oo tababar la xiriira   isticmaalka aaladdan ku soo qaatay dalka Koofur Afrika ayaa ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoo garsoorka laga dareemay in ay diyaargarow wanaagsan usoo galeen tababarkan.

Soomaaliya ayaa noqotay wadankii sideedaad ee  dhaqan galiya istcimaalka  aaladan oo  loo ogolaaday 54 dal ee qaaradda Afrika, waxayna taasi muujinaysa sida uu garsoorka kubadda cagta Soomaaliya dhanka kasta uga dadaalayo.

SAWIRRO:

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close