Xubinta maanta oo kale maxaa ka dhacay K/cagta oo aan ku qaadanayno.. (Musiibadii Hillsborough & Goolkii uu CR7 ku qaatay Puskás Award?)

(Yurub) 15 Abriil 2019. Aqristayaasheenna sharafta leh ku soo dhowaada xubinta Maanta oo kale maxaa ka dhacay kubadda cagta.

Xubinta maanta oo kale maxaa ka dhacay kubadda cagta, waxaan maanta ku soo qaadanaynayaa musiibadii Hillsborough iyo goolkii uu Cristiano Ronaldo ku qaatay abaal-marinta Puskás ee dhashay maanta oo kale.

30 sano ka hor maanta oo kale ayey ku beegnayd markii ay dhacday musiibadii Hillsborough, taasoo ay noloshooda ku waayeen 96 ka mid ahaa taageerayaasha kooxda Liverpool kulan kubadda cagta ah.

Musiibadan ayaa dhacday kaddib markii ay taageerayaashu isbuurteen ama ay is ciriiriyeen intii lagu guda jiray kulan ka tirsanaa afar dhammaadka ama Semi-finalka FA Cup-ka oo u dhexeeyey kooxaha Liverpool iyo Nottingham Forest, kaasoo ka dhacay garoonka Hillsborough, Magaalada Sheffield ee dalka England.

Waxa ay musiibadan dhacday maanta oo kale 15-kii bishii April sanadkii 1989-kii, waxaana musiibadaas ku geeriyooday 96 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 766 qof oo kale.

Dhacdadaan waxaa loo xusuusan doonaa inay tahay middii ugu xumayd taariikhda isboortiga Waddanka Britain.

Kulankii xalay dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa loo sameeyey dadkii ku waxyeeloobay musiibadan daqiiqad aamusnaan ah.

Dhinaca kale maanta oo kale 15-ka bishii April sanadkii 2009, Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey mid ka mid ah goolashiisa ugu fiican kaddib markii uu isagoo ka tirsan Manchester United ugu shubay kooxda FC Porto kubbad uu ka tuuray meel goolka u jirta 40 yaardi.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa goolkaas ku qaatay abaal-marinta Puskás Award ee goolkii ugu fiicnaa sanadkaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close