“Ugu dambeyn waan soo af-jarnay Sheekadii kufitaanka Steven Gerrard ee na dhaafisay Premier League.”.-

(England) 15 Abriil 2019. Shan sano ka hor waqtigan oo kale Chelsea ayaa ka adkaatay Liverpool iyadoona naafsiisay fursad ay ku qaadi kartay Premier League kaddib markii uu Steven Gerrard ku hor kufay Demba Ba oo shabaqa dhex dhigay goolka.

Tababare Jurgen Klopp ayaa iminka ku faanaya in ugu yaraan ay xalay ka hartay sheekada kufitaanka kaddib markii ay 2-0 uga adkaadeen Blues isla markaana ay labo dhibcood ku qabteen hogaanka, Inkastoo hogaanka laga soo dajin doono haddii ay Man City soo adkaato kulanka baaqiga u ah.

Macalinka reer Germany ayaa iminka sare u qaaday rajada ah in Liverpool ay markii ugu horreysay ku guuleysan karto horyaalka Ingiriiska tan iyo 1990-kii.

Jurgen Klopp believes Liverpool have exorcised their title demons with win over Chelsea

“Ugu dambeyn waan soo xirnay sheekadii kufitaanka,” Klopp ayaa sidaa yiri kaddib kulankii xalay ee Chelsea.

“Robbo Andy Robertson wuu kufay qeybtii labaad ee ciyaarta waxna ma dhicin, sidaa darteed way dhammaatay sheekadii kufitaanka.

“Jawiga wuxuu ahaa mid aan innaba caadi ahayn, waa dareemi kartaa, afar kulan ayaa inoo harsan, aan isku dayno inaan la dhimaano 97-dhibcood haddii ay taa nagu filnaato waa wax aad u fiican haddii ay nagu filnaan weysana waxba kama badeli karno.”.

The Reds lost in the same fixture five years ago in a result that ultimately cost them the title

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close