Manchester United Oo U Safartay Magaalada Barcelona & Xidigaha Liiskan Kusoo Boxay + SAWIRO

(Yurub) 15 Abriil 2019.Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ku dhawaaqay liiska RASMIGA ah xidigaha Red Devils ee kaga qeyb galaya kulanka Barcelona.

Manchester United ayaa marti ugu noqon doonta habeen dambe kooxda Barcelona garoonka Cump Nou, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Red Devils ayaa guuldaro soo gaartay kulankii lugta hore ee Isbuucii lasoo dhaafay ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford, kaasoo ku soo idlaaday 1-0.

22 ciyaaryahan ee ah kooxda Manchester United ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester maanta oo Isniin ah, xitaa Luke Shaw ayaa liiskan ku soo baxay inkastoo uusan ciyaari karin sababa la xiriira ganaax.

Darmian, Matic iyo Sanchez, ayaa ku soo baxay sidoo kale liiskan, xili saddexdan xidig ay seegeen kulankii lugta hore.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay tababare Ole Gunnar Solskjær ee ka qeyb galaya kulanka habeen dambe ee kooxda Barcelona ayaa kala ah:

De Gea, Romero, Grant, Young, Darmian, Smalling, Lindelof, Jones, Rojo, Young, Shaw, Matic, Pereira, McTominay, Fred, Pogba, Mata, Lingard, Sanchez, Martial, Lukaku, Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close