Kooxda Real Madrid oo bareejo la dhaafi weyday Kooxda Leganes +Sawiro

( Spain) 15 Abriil 2019 Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la dhaafi weyday Kooxda Leganes kulan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii u dhexeeyey kooxaha Leganes iyo Real Madrid ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hor keceysay Kooxda leganes.

Kooxda Real Madrid ayaa sameesay afar jaanis oo gool loo filan karay balse midna kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan.

Daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta Lagenes ayaa la timid goolka hore waxaana u dhaliyey xidiga  lagu magacaabo Silva kaddib caawin uu ka helay Martin Braithwaite.

Ugu dambeen qeebtii koowaad ee kulanka ayaa dhamaaday, Madrid ayaana ku fashilantay in ay iska soo bar-bareeyaan goolka hore, blase nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta

Kooxda Real Madrid ayaa markii dib la isagu soo laabtay la timid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibka reer Farance ee Benzema daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta.

Legens oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa ku dhabar adeegay in ay ilaal sadaan shabaqooda si aan loogu dhalin gool kale oo labaad

Kooxda Real Madrid ayaa dhankooda marar badan sameeyey isku dayo badan oo gool noqon karay balse waxa ay ku fashilmeen in la yimaadaan gool labaad si hogaanka ciyaarta u qabtaan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool  iyo gool xili macalin Zidan  Kooxdiisa ay qaadaneyso sandkii ugu xumaa muddo kaddib.

    

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close