Kooxda Arsenal oo gool madi ah kaga adkaatay Kooxda Watford oo ku ciyaareysay 10-xidig+Sawiro

( England) 15 Abriil 2019 kooxda Arsenal ayaa goil madi ah kaga adkaatay kooxda Watford kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo maraya heerkii ugu dambeyey.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa Koowaad ayaa waxa uu ku soo idlaaday 1-0 oo ay la hormartay Kooxda Arsenal, Wollow Kooxda Watford ay soo bandhigtay qaab ciyaareed aad loo jecleesto xili calaamada casaanka loo taagay kabtankooda.

 Aubameyang ayaa dhaliyey goolka kaas oo  ahaa qalad uu galay gool hayaha Kooxda Watford daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta, natiijada kulanka ayaana noqotay 1-0.

Deeney oo ah kabtanka Kooxda Watford ayaa loo taagay calaamada casaanka kaddib qalad uu ku galay Torreira daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta.

Watford ayaa soo bandhigtay ciyaar weerar ku dhisan balse uma suura galin in ay gool u badalaan sedex fursad oo halis aheyd oo soo martay, ugu dambeen kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku dhamaaday 1-0.

Nasiino Kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo ka xiiso iyo xamaasad badneed qeebtii hore, kooxda Arsenal ayaa cadaadis badan ku saartay kooxda Watford oo ku ciyaareysay 10-xidig sidii ay kaga dhalin la haayeen gool kale oo labaad.

Watford ayaa marar badan gaartay shabaqa kooxda Arsenal si ay isaga soo aar gudaan goolka deenta ee lagu lee yahay, lkn fursadihii ay u buureen midna gool ma noqon.

Ugu dambeen Kulan ciyaareedka ayaa ku soo gaba gaboobay Arsenal oo ku awood sheegatay gool iyo waxba iyaga oona soo tiigsaday booska afaraad ee kala sareenta horyaalka.

 

  

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close