Jariirad Caan ah oo sheegtay in Barcelona ay Willian……

(Europe) 15 Abriil 2019. Barcelona oo xagaagii tagay ku hungowday saxiixa Willian ayaa markale xagaagan qaadeysa dagaal xoogan oo ku aadan sidii ay ku soo xero galin lahayd timo waynahay reer Brazil.

30-jirka ayaa hal sano oo qura uga harsan tahay heshiiska uu kula joogo Blues, sidaa darteed Blaugrana ayay u badan tahay inay dareento kalsoonida inay soo xero galin karto.

The Telegraph oo ah Jariirad qaddarin badan looga hayo England ayaa warineysa in kaddib markii ay ku fashilmeen saxiixa Willian xagaagii tagay ay Barcelona iminka eeganeyso inay xiddiga reer Brazil kula soo wareegto beec jaban.

Balse xaalada waxaa mid cakiran ka dhigaya in Chelsea aysan wax laacib ah kala soo wareegi karin Suuqa maadaama ay FIFA ka ganaaxday, sidaa darteed waxaa la arkaa inay ka biyo diido inay iska fasaxdo waayo suuqa uma doonan karto badelkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close