“Isla markii uu Maxamed Saalax Kubbada laaday waxaan la soo booday…..”.-

(England) 15 Abriil 2019. Maxamed Saalax ayaa gool aan innaba caadi ahayn xalay ugu shubay kooxdiisii hore ee Chelsea ciyaartii ay 2-0 uga adkaadeen.

Tababare Jurgen Klopp ayaana iminka ka dhawaajiyay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ogaada in kubbadaasi ay shabaqa gali doonto isla markii ay ka soo baxday lugta Saalax maadaama uu sheegay inuu taagnaa meel si fiican looga arki karo goolka.

“Goolkii Saalax aad baan ula dhacay, waan waayay erayo aan ku cabiro,”- Jurgen Klopp ayaa sidaa yiri.

Liverpool boss Jurgen Klopp reveals the first thing he said as Mohamed Salah shot

“Si fiican ayaan goolka u arkay dhabtii, dhankeyga ayuu ka dhaliyay, waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay garoonka ee ogaada inay kubbadaasi dhalaneyso.

“Isla markii uu kubbada laaday Saalax waxaan iri way dhalaneysaa, wuxuu ahaa dhammeystir cajiib ah.

“Laakiin goolkii Sadio Mane sidoo kale cajiib ayuu ahaa.

“Ma doonayo inaan hoos u dhigo goolkii Saalax wuxuu aha mid cajiib ah oo heer caalami ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close