«Da’du waa tiro xisaabeed ku qoran kaarka aqoonsiga» – Waxaa sidaas yiri 36 sano jir wacdaro ka dhigaya Waddanka Talyaaniga!

(Rome) 15 Abriil 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Sampdoria ee Waddanka Talyaaniga Fabio Quagliarella ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo 36-sano jir ah uu hoggaanka u hayo gool dhalinta Horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Quagliarella ayaa dhaliyay 22 gool 2683 daqiiqo oo uu u dheelay kooxda Sampdoria, isagoo sidaa ku hoggaaminaya kala sarreynta goolasha Horyaalka Talyaaniga.

Piatek oo AC Milan u safta ayaa kaalinta labaad ku jira isagoo leh 21 gool, halka Zapata oo Atalanta ka tirsan leeyahay 20 gool, iyadoo Cristiano Ronaldo oo Juventus Weerarka uga ciyaarana uu marayo 19 gool.

Mar la weydiiyay Quagliarella da’diisa iyo sida ay ugu suuro gashay in uu ka goolal bato ciyaartoyda kale ee Serie A-da waxa uu yiri: “Da’du waa keliya tiro xisaabeed ku qoran kaarka aqoonsiga qofka”.

Marka la eego Horyaallada kale ee waa weyn ee Qaaradda Yurub waxaa Quagliarella ka sarreya Lionel Messi oo Bacelona u ciyaara oo dhaliyay 33 gool iyo Kylian Mbappé oo 27 gool u dhaliyay kooxdiisa kulammada horyaallada.

Quagliarella oo goolkii ugu dambeeyey ka dhaliyay kooxda ay isku magaallada yihiin ee Genoa ayaa waxaa guud ahaan uu tan iyo haatan ku lug leeyahay 30  gool oo ay dhalisay kooxda Sampdoria, 22 gool ayuu dhaliyay, halka 8 gool oo kale uu saaxiibadiisa ku caawiyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close