Alisson Becker oo RIKOODH muhiim ah ku garaacay dhamaan goolhayayaasha Yurub xilli ciyaareedkan

(England) 15 Abriil 2019. Liverpool ayaa guul muhiim ee 2-0 ah kaga gaartay kooxda Chelsea kulankooda 34-aad ee horyaalka Premier League, kaasoo ka dhacay garoonka  Anfield.

Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed heersare ah ee isugu jira difaacasho iyo weerarba, waxayna u qalmeen in saddexda dhibcood ay ka qaataan kooxda Chelsea, si ay markale kagala wareegaan hogaanka horyaalka Premier League dhigooda Manchester City.

Liverpool difaaceeda ayaa waxay ku guuleysteen in shabaqooda  ay ka ilaashadaan kooxda Chelsea inta ay ciyaarta socotay, taasoo xaqiijineysa awooda weyn ay ku raaxeysanayaan min goolhaaye ilaa iyo difaacyada kooxda Liverpool xili ciyaareedkan.

Goolhaayaha reer Brazil ee Alisson Becker ayaa halkiisa kasii waday bandhiga cajiibka ah uu xili ciyaareedkan ka sameenayo kooxda Liverpool, kadib markii uu Chelsea ka ilaashaday shabaqiisa, wuxuuna ahaa kulankiisii 18-aad uu sidaas sameeyo xili ciyaareedkan, 34 kulan uu ka ciyaaray  horyaalka Premier League, waana in ka badan goolhaayaasha kale ee 5-ta horyaal ugu waaweyn Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close