Manchester United oo xilka Kabtannimo ee kooxda u bandhigaysa Paul Pogba si ay u soo gabagabayso xiisaha Real Madrid

(Manchester) 14 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay dalab kabtannimada kooxda ah hordhigi doonto Pogba si ay u soo gabagabayso xiisaha xiddigan uga imaanaya Real Madrid.

Laacibkan khadka dhexe ee Pogba ayaa ka mid ah xiddigaha u sharraxan calaammadda hoggaaminta kooxda Man United, maadaama lagu wado in Antonio Valencia uu tago suuqa soo aaddan.

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa haatan inay Paul Pogba hordhigto inuu xirto calaamadda kabtannnimo ee kooxda si ugu dambeyn loo soo gabagabeeyo wararka la isla-dhexmarayo ee sheegaya inuu xagaagan u dhaqaaqayo Real Madrid, sidaas waxaa warinaysa Jariiradda The Mirror.

Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayaa garoonka Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda, maadaama uu qaab ciyaareedkiisu soo jiitay macallinka Real Madrid ee Zinedine Zidane, laakiin kooxda ka dhisan garoonka Old Traffrod ayaa go’aansatay inay sii haysato adeegga laacibkan.

Antonio Valencia oo haatan ah kabtanka kooxda ayaa la filayaa inuu tago dhammaadka xilli ciyaareedkan, laacibka khadka dhexe ee Pogba ayaa la doonayaa inuu calaamadda hoggaaminta ka bedelo xiddiga reer Ecuador.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close