Kooxda Chelsea oo wiideeyeyaal u dirsatay Zlatan-ka cusub

(London) 14 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay dad u soo wiideeya u dirsatay xiddiga lagu naanayso Zlatan-ka cusub ama ‘New Zlatan’.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in kooxda Blues ay aad ugu dhow dahay weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak.

19-sano jirkaan Isak ayaa qaab ciyaareed aan caadi ahayn soo bandhigay intii lagu guda jiray heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo naadiga Willem II, kaasoo uu kaga soo dhaqaaqay kooxda milkiyaddiisa leh ee Borussia Dortmund.

Xiddigan goolal dhaliskiisu cajiibka yahay, kaasoo la la meel dhigo laacibka ay isku waddanka yihiin ee Zlatan Ibrahimovic ayaa haatan xiiso aan caadi ahayn ka helaya kooxda Chelsea oo durba la warinayo inay rag u soo indho-indheeya u dirsatay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close