Kooxda Manchester United oo guul wax ku ool ah ka gaartay West Ham+Sawiro

( England) 13 Abriil 2019 kooxda Manchester United ayaa guul muhiim aheyd ka gaartay Kooxda West Ham kulan katirsanaa horyaalka Premier League natiijada kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-1 oo ay ku awood sheegatay Kooxda Manchester.

Bilowgii hore ee ciyaarta Kooxda Manchester ayaa la hormartay gool rigoore ah  waxaana u dhaliyey xidiga reer Farance ee Pogba daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta.

Kooxda Westa Ham ayaa sameesay dadaalo badan oo ay ku doonayeen in ay isaga soo gudaan goolka deenta ah balse uma suura galin in jaanisyadaas ay ka faa’ideystaan.

Qeebii hore ee ciyaarta ayaa ku idlaatay gool iyo wax oo ay la hor mareen Kooxda Manchester United, nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso gooni leh.

Kooxda Wes Ham ayaa dar dar xoog leh ku soo gashay qeebtii dambe ee ciyaarta waxa ayna la yimadeen goolka bareejada ee ciyaarta daqiiqadii 49-aad waxaana u dhaliyey xidiga reer Barazil ee  Anderson.

United waxaa soo koray cadaadis aad u badan iyaga oona ku dhawaaday in laga dhaliyo gool kale oo labaad, balse Manchester United ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta heshay goolka guusha.

Daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta Pogba ayaa mar kale dhliyey goolka guusha ee ciyaarta, goolkaas ayaana ahaa gool rigoore ahaa.

Ugu dambeen Kulanka ayaa ku soo idlaaday 2-1 oo ay ku adkaadeen Kooxda Manchester United oo la balansan todobaadkan gudihii Kooxda Barcelona oo maanta bareejo gashay.

    Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close