HORDHAC: Manchester United VS West Ham? Kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestirin iyo xaqiiqooyinkiisa

(England ) 13 Abriil 2019 Kooxda Manchester United oo la ciil kaambiyeysan guul daradii ka soo gaartay Kooxda Barcelona ayaa markan garoonkeeda ku marti qaadeysa Kooxda West Ham oo dhankeeda laga soo adkaaday kulankii hore.

Kooxda reer Londone ee West Ham ayaa raadineysa guul labaad in ay ka gaarto Kooxda Manchester madaama waqti hore ay ugu dambeysey in labada kulan ee horyaalka ay ka adkaato.

United ayaa guul la’aan labadii kulan ee ugu danbeyey balse waxa ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan wada guulaha. 

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Ashley Young iyo Luke Shaw ayaa ka ganaaxan kooxda Manchester United halka  Nemanja Matic shagi laga gilinayo kulankan in uu ka soo muuqan karo.


Dhica kale xidigaha kala ah Ander Herrera, Eric Bailly, Alexis Sanchez iyo Antonio Valencia ayaa wali baaqi ku sii ahaan doona dhaawacyo kal duwan oo ay qabaan.

West Ham garabkooda  Michail Antonio ayaa dib u ugu soo laabtay Kooxdiisa kaddib markii uu dhaawac ku seegay kulankii ay guul darada kala kulmeen Kooxda Chelsea bartamihii asbuucii hore.

Laacibka reer Farance ee Samir Nasri oo dhaawac canqowga ah ku seegay kulankii ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa laga yabaa in kulankan uu sii maqnaado balse waxa go’aan laga gaari doonaa ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta  .

Geesta kale laacibkii hore ee kooxda Arsenal Jack Wilshere ayaa diyaar buuxa u ah isaga oona ka soo kabsaday dhaawac uu qabay balse taam ahaanshiyiisa buuxa ayaa lagu tijaabin doonaa kooxda ka hooseysa da’da 23-jirada ee West Ham.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Manchester United VS West Ham? (Premier League)

Goobta :Old Trafford

Goorta: 7:30 oo Habeenimo

Garsoorka: Graham Scott

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey kulanka  ka hor inta aan la baasan :

Kooxda West Ham ayaa markii ugu horeysay guul labo kulan ah oo Premier League  ka gaari karta Kooxda Manchester tan iyo xili ciyaareedkii  2006-07 .

United ayaa guul daro la’aan ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay kula ciyaarto Old Traford Kooxda West Ham (8-guul iyo 2-bareejo).

United ayaa qasaartay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeyey ee ay ka ciyaartay dhamaan tartamada.

The Red Devils ayaan marna shabaqooda gool ka ilaashan 8-kulan oo dhamaan tartamada ah , mudadii ugu dheereed ee ay shabaqooda gool ka ilaashan wayaan waxa ay aheyd sanadii 2012 iyaga oo markaa ku fashilmay in 10-kulan shabaqooda gool ka ilaal sadaan.

Kooxda lagu naaneeso The Hammers ayaa guul la’aan ah 7-kulan oo horyaalka ah oo ay banaanka ku suu ciyaareen, lix guuldaro ah ayaa soo gaaray halka  kulanka kale bareejo ay galeen waxaana xusid mudun in hal gool oo kaliya aya dhaliyeen 7-daa kulan.

Eeg safafka macquulka ah ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close