Giroud oo si kulul u cambaareeyay falkii cunsurinnimada ahaa ay taageerayaasha Chelsea kula kaceen Saalax

(England) 13 Abriil 2019. Weeraryahanka reer France ee kooxda Chelsea Olivier Giroud ayaa ka hadlay dhacdadii nasiib darrada ahayd uu la kulmay Khamiistii dhigiisa Liverpool ee Maxamed Saalax.

Baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay khamiistii Fiidiyoow muujinaya in qaar ka mid ah taageerayaasha Chelsea ee kasoo muuqday mid ka mid ah Maqaayadaha lagu caweeyo ee dalka Czech ay isku dayeen inay sameeyaan falal isugu jira aflagaado iyo cunsuriyad ka dhan ah Maxamed Saalax, kahor inta aan la ciyaarin kulankii ku dhex maray kooxaha Chelsea iyo Slavia Prague tartanka Europa League.

Yeelkadeeda, Olivier Giroud ayaa si xoogan u cambaareeyey falkii fool xumada ahaa ay kula kaceen khamiistii taageerayaasha kooxda Chelsea Maxamed Saalax.

“Waa wax laga xumaado waxa dhacay, shaqsiyadkan waxay waji gabax ku yihiin kooxda Chelsea, kooxda iyo qof walba ee halkan ku sugan, waxay cambaareenayaan waxa ku dhacay Maxamed Saalax”.

“Dhamaanteen waxaan garab taaganahay xiligan la joogo Maxamed Saalax, waxyaabahan waa inaysan mar kale dhicin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close