Yaya Toure, Drogba iyo Eto’o oo ka mid ah xiddigaha waa weyn ee caawa ka soo muuqan doona isku aadka AFCON 2019

(Cairo) 12 Abriil 2019. Isku aadka koobka qarammada Afrika ee AFCON 2019 ayaa caawa la sameyn doonaa iyadoo xiddigo waa wayn oo qaarkood horay uga soo ciyaaray horyaalka Premier League kana soo jeeda qaaradda Afrika lagu casuumay munaasabadda.

Xiddigaha waa weyn ee caawa ka soo muuqan doona isku aadka koobka qarammada Afrika oo lagu qaban doono dalka Masar waxaa ka mid ah; Yaya Toure, D. Drogba, S. Eto’o, A. Hassan, R. Song, M. Hadji, E. Diouf iyo E. Amunike.

Laacibkii hore ee kooxaha Manchester City iyo Barcelona Yaya Toure ayaa haatanba gaaray dalka Masar, halkaasoo uu caawa kaga qeyb galayo isku aadka Koobka qarammada Afrika, xiriirka ayaana barahooda xiriirka bulshada ku shaaciyey sawirradiisa.

Isku aadka koobka qarammada Afrika ayaa lagu qaban doonaa dalka Masar, waxaana uu dhici doonaa caawa 9:00 habeennimo saacadda geeska Afrika oo beegan 7:00 habeennimo xilliga Ingiriiska.

Tartankan sanadkan waxaa marti gelinaya dalka Egypt waxaana isku aadkan loo sameyn doonaa 24 waddan oo ku kala jira afar dheri.

Waxa uu tartankan qabsoomi doonaa laga bilaabo 21 bisha June illaa 19-ka bisha July, taasoo la micno ah inaysan jiri doono xiddigo seegaya kulammada kooxahooda.

Xulka qaranka Cameroon ayaa difaacanaya tartankan kaddib markii ay Final-kii 2017 garaaceen dhigooda Egypt.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close