Wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka Koobka Qarammada Afrika 2019 oo caawa la sameyn doono

(Cairo) 12 Abriil 2019. Isku aadka koobka qarammada Afrika ee AFCON 2019 ayaa caawa la sameyn doonaa iyadoo xiddigo badan oo ka ciyaara horyaalka Premier League ay sugi doonaan dalalka ay beegmeen.

Isku aadka koobka qarammada Afrika 2019 ayaa lagu qaban doonaa dalka Masar, waxaana uu dhici doonaa caawa 9:00 habeennimo saacadda geeska Afrika oo beegan 7:00 habeennimo xilliga Ingiriiska.

Tartankan sanadkan waxaa marti gelinaya dalka Egypt waxaana isku aadkan loo sameyn doonaa 24 waddan oo ku kala jira afar dheri.

Waxa uu tartankan qabsoomi doonaa oo la ciyaari doonaa laga bilaabo 21 bisha June illaa 19-ka bisha July, taasoo la micno ah inaysan jiri doono xiddigo seegaya kulammada kooxahooda.

Xulka qaranka Cameroon ayaa difaacanaya tartankan kaddib markii ay Final-kii 2017 garaaceen dhigooda Egypt.

Labada ciyaaryahan ee ka wada tirsan kooxda Liverpool ee Mohamed Salah (Egypt) iyo Sadio Mane (Senegal), ciyaaryahanka Manchester City ee Riyad Mahrez (Algeria) iyo weeraryahanka kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha (Ivory Coast) ayaa ka mid ah xiddigaha horyaalka Premier League ee la filayo inay ciyaaraan tartankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg dalalka loo sameynayo isku aadka ee 24-ka ah kuwaasoo ku kala jira afar dheri:-

ISKU AADKA Afcon 2019
Pot 1 Pot 2 Pot 3 Pot 4
Egypt DR Congo South Africa Zimbabwe
Cameroon Ghana Uganda Namibia
Senegal Mali Benin Guinea-Bissau
Tunisia Ivory Coast Mauritania Angola
Nigeria Guinea Madagascar Tanzania
Morocco Algeria Kenya Burundi

Xiddigaha horyaalka Premier League ee ka soo muuqan kara tartankan:-

Egypt: Mohamed Salah (Liverpool), Mohamed Elneny (Arsenal)

Senegal: Sadio Mane (Liverpool), Idrissa Gueye (Everton), Cheikhou Kouyate (Crystal Palace)

Morocco: Romain Saiss (Wolves)

Nigeria: Alex Iwobi (Arsenal), Wilfred Ndidi (Leicester)

Algeria: Riyad Mahrez (Man City)

Ivory Coast: Serge Aurier (Tottenham), Eric Bailly (Man Utd), Jean Michael Seri (Fulham), Wilfried Zaha (Crystal Palace)

Kenya: Victor Wanyama (Tottenham)

Ghana: Christian Atsu (Newcastle), Jeffrey Schlupp (Crystal Palace), Jordan Ayew (Crystal Palace)

Cameroon: Gaetong Bong (Brighton), Andre-Frank Zambo Anguissa (Fulham)

DR Congo: Arthur Masuaku (West Ham)

Benin: Steve Mounie (Huddersfield)

Guinea: Naby Keita (Liverpool)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close