RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka isbuuca ee Champions League oo la shaaciyey

(Yurub) 12 Abriil 2019. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Roberto Firmino uu ku guuleystay abaal-marinta laacibka isbuuca ee Champions League.

Roberto Firmino ayaa abaal-marinta xiddiga ugu fiicnaa tartanka Koobka Horyaalladda Yurub Isbuucan ku helay kaddib bandhig cajiib ah oo uu sameeyey kulankii kooxdiisa Liverpool ay 2-0 uga adkaatay Porto ee Champions League, markii xiddiga reer Brazil uu gool dhaliyey mid kalena dhiibay kulankaas.

Waxa uu Firmino abaal-marintan ku garaacay saddexda xiddig ee kula tartamayey kuwaasoo kala ah; laacibka reer South Korea iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Son Heung-min, daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique iyo ciyaaryahanka kooxda Ajax ee Frenkie de Jong.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close