RASMI: Jürgen Klopp oo ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha Maarso ee horyaalka Premier League

(Liverpool) 12 Abriil 2019. Jürgen Klopp ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha Maarso ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa saddex guul oo xiriir ah ka gaaray bishaas kooxaha Burnley, Fulham iyo Tottenham Hotspur kaddib markii kulankii ugu horreeyey ee uu kooxda hoggaamiyey bishaas uu barbaro goolal la’aan ah garoonka Goodison Park kula soo galay Everton.

Klopp waxa uu abaal-marintan ku garaacay tababareyaasha kala ah Pep Guardiola, Ralph Hasenhuttl, Brendan Rodgers iyo Marco Silva.

Hoggaamiyaha Reds ee Klopp ayaa ku guuleystay abaal-marintan markiisii labaad xilli ciyaareedkan kaddib markii uu horay u hantay bishii December.

Sidoo kale waxa uu abaal-marintan ku guuleystay bishii September ee sanadkii 2016-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close