Messi ma ka qeyb qaadan doonaa kulanka Barcelona ay bari kula ciyaari doonto kooxda  Huesca horyaalka La Liga???

(Spain) 12 Abriil 2019. Wargeyska caanka ah ee reer Spain “Mundo Deportivo” ayaa warbixin uu daabacay wuxuu ku sheegay, in kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka horyaalka La Liga ay bari oo Sabti ah kula ciyaari doonaan kooxda  Huesca.

Lionel Messi ayaa ka dhaawacmay sanka inta uu socday kulankii lugta koowaad wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League, kaasoo ay Manchester United ku booqdeen garoonka Old Trafford, kadib markii ay isku dheceen Chris Smalling.

Waxaa jirtay cabsi ku aadan in Messi uu ka jabay dhanka sanka, taasoo ka dhigi lahayd in ugu yaraan uu garoomada ka maqnaado mudo dhan 10 maalmood, laakiin waxay u muuqataa inuusan qabin wax dhaawac ah, kadib markii uu maray baaritaano caafimaad khamiistii shalay ahayd.

Wargeyskan oo si aad ah ugu dhuun duleela arimaha kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaa warbixin uu daabacay wuxuu ku sheegay inaysan jirin sabab ka hor istaagi karta Messi inuu ciyaaro kulanka bari, iyadoo uu tababare Ernesto Valverde si toos ah u heli karo adeegiisa.

Laakiin sida ay wararku sheegayaan macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa wuxuu door bidayaa in Messi uusan ku soo bilaaban kulanka bari ay kula ciyaari doonaan kooxda Huesca horyaalka La Liga, si uu nasiino u helo kahor kulanka lugta labaad ay kula ciyaari doonaan kooxda Manchester United garoonka Cump Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close