Kooxda Real Madrid oo xitaa diyaar u ah inay khasaarto si ay u iibiso Gareth Bale

(Madrid) 11 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay khasaarto si ay u iibiso Gareth Bale kaddib markii ay hoos u dhigtay qiimaha lagu iibsan karo.

Wargeyska Sport ayaa warinaya in kooxda Real Madrid ay rajaynayso inay Bale ka caawiso iibintiisa, iyadoo hoos u dhigtay qiimaha lagu suuq-geynayo kana dhigtay 70 milyan oo euro oo u dhiganta 60 milyan oo gini ama 79 milyan oo dollar.

Kooxda reer Spain ayaa doonaysa inay suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan iska iibiso weeraryahankeeda reer Wales, kaasoo ay xiiseynayaan kooxo ay ka mid yihiin Manchester United iyo Tottenham.

Real Madrid ayaa markii hore u jeedkeedu ahaa inay faa’iido ka hesho iibinta Gareth Bale, laakiin waxay iminka u muuqataa inay diyaar u yihiin inay hoos u dhigaan qiimaha si ay u dar-dar galiyaan ka tagistiisa kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close