Kooxda Man United oo bedelka Ander Herrera ka dhex aragta horyaalka Premier League

(Manchester) 11 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay bedelka ciyaaryahankeeda Ander Herrera ka dhex aragto horyaalka Premier League.

Man Utd waxa ay bedelka Herrera kaasoo ay xiiseynayso saxiixiisa kooxda PSG u aragtaa Guaye, waxaana uu noqday bartilmaameedka koowaad ee macallin Solskjaer.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Everton, Idrissia Gueye ayay Manchester United bartilmaameedsanaysaa si ay bedel uga dhigto xagaagan Ander Herrera sidaas waxaa qoreysa Majaladda Evening Standard.

Heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, Herrera ayaana u muuqda inuu isaga tagi doono garoonka Old Traffrod, waxaana jira suurto-galnimo uu ugu dhaqaaqayo kooxda Paris Saint-Germain.

Kooxda reer France ayaa ku daashay Gueye bishii Janaayo, laakiin dalabkooda ayaana hadda albaabka laga xirtay, waxaana kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1 ay qaadanaysaa Herrera, Gueye ayaana lagu wadaa inuu booskaas u buuxiyo naadiga Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close