Kooxda Inter Milan oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Pepe

(Milano) 11 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Pepe.

Sida lagu daabacay warsidaha Le10sport kooxda Inter Milan ayaa haatan ku soo biirtay tartanka loogu jiro in lagula wareego laacibka naadiga Lille ee Nicolas Pepe.

Yeelkeede, kooxda reer Talyaani ayaa tartan adag oo ku aaddan saxiixa laacibkan kala kulmeysa naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich oo dhankeeda doonaysa inay heshiiskiisa dhammaystiro suuqa soo aaddan.

Laacibkan 23-sano jirka ah ee garabka ka dheela ayaa go’aansan doona kooxda uu ku biiri doono ka hor suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo socda iyo haddii uu la sii joogi doono kooxdiisa Lille.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close