ESPN oo shaacisay kooxda uu go’aansaday inuu xagaagan ku biiro Diego Godin

(Madrid) 11 Abriil 2019. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahanka kooxda Atletico Madrid ee Diego Godin ayaa go’aansaday kooxdii uu ku biiri lahaa xagaagan.

Shabakadda ciyaaraha ee ESPN ayaa warinaysa in Diego Godin uu boqolkiiba sagaashan (90%) go’aansaday inuu suuqa kala iibsigaha xiddigaha ee xagaagan ku biiro kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

33-sano jirkaan daafaca uga dheela kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa muddo dheer la la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono horyaalka Serie A.

Yeelkeede, haatan marka uu noqdo beeca xorta ah ayuu heshiis saddex sanadood ah ugu dhaqaaqi doonaa garoonka San Siro sida warbixinta lagu sheegay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close