Arsenal oo guul wax ku ool ah ka gaartay Napoli iyo Chelsea oo guul dirqi ah ka gaartay Slavia Prague +Sawiro

(Yurub) 11 Abriil 2019 Kooxda Arsenal ayaa guul wax ku ool ah ka gaartay dhigeeda Kooxda Napoli kulan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League, ciyaarta ayaana ku dhamaatay (2-0). 

Kulan ciyaareedka qeebtiisa Koowaad oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxa uu ku soo idlaaday 2-0 oo ay ku hogaamineyso Kooxda Arsenal oo ku ciyaareysay garoonkeeda.

Arsenal oo qaab ciyaareed aad u sareeya soo bandhigtay qeebtii hore ee ciyaarta ayaa la timid goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Aron Ramsey kaddib caawin uu ka helay  Maitland-Niles daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta.

Kooxda Napoli oo la yaaban sida ay ku bilowdeen kulanka  ayaa mar kale laga dhaliyey gool labaad wallow goolka uu ahaa mid uu iska dhaliyey daafac reer Sinigal ee Koulibaly daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku hogaamineyso Arsenal, waqti nasiino kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda reer Italy ee Napoli ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona dadaal u galay sidii ay isaga soo gudi lahaayeen goolasha deenta ee lagu lee yahay balse nasiib daro jaanisyadii ay heleen kama aysan faa’ideysan .

Arsenal ayaa dhankeeda u muuqatay mid aan ka rajo dhigin raadinta gool sedexaad iyaga oona ku dhawaaday in gool sedexaad ay dhaliyaan lkn gool hayaha kooxda Napoli ayaa ka bad baadiyey fursado cajiib ahaa.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku adkaadeen Kooxd Arsenal oo guul wax ku ool ah ka gaartay Napoli.

Dhica kale kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Slavia Prague iyo Chelsea oo ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League  ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku badiyeen Kooxda Bules.

Chelsea ayaad ugu dhibtootay goolka madiga ah ee ay ku badisay ciyaarta waxaana u dhaliyey Marcos Alonso kaddib caawin uu ka helay laacibka reer Barazil ee Willian daqiiqadii 86-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close