SHAXDA macquulka ah oo ay caawa ku soo gali karaan kooxaha Ajax iyo Juventus ee Champions League xilli Cristiano Ronaldo uu soo laabtay

(Amsterdam) 10 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan caawa kooxaha Ajax iyo Juventus lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League.

Cristiano Ronaldo iyo Daniele Rugani ayaa la filayaa inay ku soo bilaaban doonaan safka hore ee Juve kulanka caawa ee Champions League oo ay ka horjeedaan Ajax.

Ronaldo ayaa ka soo kabsaday dhaawac muqura ah isagoo tababarka buuxa ee Juve dib ugu soo laabtay shalay, waxaana uu weerarka kula biiri doonaa kulanka caawa Mario Mandzukic iyo Federico Bernardeschi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka macquulka ah oo ay ku soo bilaabi karaan garoonka caawa labada kooxood ee Ajax iyo Juventus:-

Safka suuro-galka ah ee Ajax: Onana; Tagliafico, Blind, De Ligt, Veltman; Van de Beek, Schone, De Jong; Neres, Tadic, Ziyech.

Safka suuro-galka ah ee Juventus: Szczesny; De Sciglio, Bonucci, Rugani, Alex Sandro; Bentancur, Pjanic, Matuidi; Bernardeschi, Mandzukic, Ronaldo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close