Heshiiska uu Marcus Rashford u saxiixayo kooxda Manchester United iyo lacagta uu ku qaadan doono oo daaha laga rogay

(Manchester) 10 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey inta uu la eg yahay heshiiska uu Marcus Rashford qalinka ugu duugi doono kooxda Manchester United iyo lacagaha uu ku qaadan doono.

Weeraryanankan ayaa qarka u saaran inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford, kaasoo uu ku qaadanayo 78 milyan oo gini.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Marcus Rashford waxa uu ku dhow yahay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda Manchester United, taasoo siin doonta isaga 78 milyan oo gini oo u dhiganta 102 milyan oo dollar in ka badan shan sanadood.

Heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, 21-sano jirkaan ayaana la furay Man United heshiis uu qandaraas cusub ugu saxiixayo, iyadoo la filayo inuu heshiis shan sanadood ah qalinka ugu duugi doono.

Waxay u muuqataa in heshiiska loo sameeyay Rashford ee garoonka Old Trafford uu ku qaadan doono isbuuciiba adduun dhan 300,000 oo gini, waana saddex laab inta uu iminka qaato oo ah 80,000 oo gini isbuuciiba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close